Xasan Sheekh oo mar kale hadlay masiirka askarta ku maqan Eritrea

Image
Qeybtii ugu horeysay ee ciidamaddan ayaa Muqdisho kasoo degay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay waddanka Ereteriya".

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Xasan Sheekh ayaa "waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda".

Dhankooda, waalidka ayaa, sidda laga soo xigtey bayaanka, waxay Xasan Sheekh "uga mahad-celiyeen mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen".

"Waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar ku saabsan in qeybta lasoo celiyey ciidamadda ay wajahayaan xaalad dayacaad ah ayna helin wax xuquuq ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar xerada ku booqdey askarta. Hadal-jeedin uu goobta ka sameeyay wuxuu ku sheegay in ay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Balse, wali lama dagaal-gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM