Xasan Sheekh oo telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar

Image
Labada hogaamiye ayaa "kawada hadlay cilaaqaadka iyo qaababka loosii xoojin karo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, sidda ay baahisay wakaaladda wararka xukuumadda Dooxa.

Balse ma bixin tafaasiil ku saabsan qodobada ay kawada hadleen. Wadaxaajoodkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay dagaal ba'an kula jirto maleyshiyaadka Al-Shabaab ayna taageero u goobeyso gulufkan.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh uu khadka telefoonka kula hadlay ayna kawada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee labada dhinac.

"Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani si a uga wada xaajoodaan xiriirka labada geesoodka ah iyo sidii loo xoojin lahaa," ayay tabisay.

Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu waday olole uu taageero ugu raadinayo dagaalka uu iclaamiyey ee ka dhanka ah xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa lagu dilay in ka badan 150 xubnood Al-Shabaab ah, sidda ay shaacisay dowlada federaalka.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta, dagaalameyaashan waxaa kamid ah horjoogeyaal hase ahaatee ma aysan bixin sharaxaad ku saabsan magacyadooda iyo goobaha.

Bayaankan oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa la raaciyey in 17 kamid ah maleyshiyaadkan lagu khaarijiyey howlgal xalay ka dhacay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe," ayaa la raaciyey qoraalka.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin maleyshiyaadka Al-Shabaab balse muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku socdey duqeymo dhanka dhulka iyo cirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM