Xasan Sheekh oo u duulay qaar kamid ah furimaha dagaalka

Image
Villa Soomaaliya ayaa warisay in madaxweynaha uu booqanayo aagaga dagaalka Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM