Xasan Sheekh oo wadashaqeyn ka dalbadey maamul goboleedyadda

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabadda 1-da Luulyo ee ka dhacay garoonka Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda.
Gumesyigii laga xoroobay iyo kan maanta;

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta garowsan yihiin in argagixisada ku soo duushay dalka ay yihiin gumeys xanuun badan oo curyaamiyey nolashooda, xasuuqay dadkii ay jeclaayeen, kana been abuurtay diinteenna suubban, isagoo soo tusaale u soo qaatay sida argagixisadu ay u burburiyeen Masaajidka deegaanka iyo goobaha lagu barto Quraanka Kariimka ah ee Daaru Nicma ayaa xusay in ficilladan ay ugu filan yihiin qof walba oo Soomaaliyeed caddeynta cadaawadda argagixisadu ay u hayaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay rajadiisa ku aaddan in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada lagaga sifeyn doono taako kasta oo ka mid ah dalka.

“Dhaqaale kuuma ogola. Xorriyad kuuma ogola, in aad cibaadeysato kuuma ogola. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka shalay qaraxa ku burburiyey Masaajidkii Daaru-nicm. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen”.

Soomaaliya ku filan amnigeeda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed in goobihii ugu horreeyey ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen Ciidamada Walaalaha Afrika ee dhowr iyo tobonka sano ilaalinayey amniga dalkeenna, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay gaarayso dhammaadka sannadka soo socda isku filaansho dhanka amniga iyo xaqiijinta nabadda.
Federaaleynta iyo La dagaallanka musuqmaasuqa

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aas-aas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalkeennu, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo dowladda dhexe ay mudnaan siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Doorka dadka Soomaalilan ee xornimada iyo midnimada

Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka taariikhiga ah ee dadka Soomaaliland ay ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, isagoo muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in la xalliyo tabashadii ay qabaan.

Madaxwyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM