Xasan Sheekh oo Wasiirka difaaca Mareykanka kula kulmay Jabuuti

Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in Xasan Sheekh kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go'an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka.

Waxuu Madaxweynaha hoosta ka xariiqay in argagaxisadda Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah.

Mareykanka ayaa boqolaal askari ka jooga Soomaaliya oo fuliya duqeymaha cirka, iyagoo sidoo kale tababara Ciidanka Danab, oo ah kuwa iyaga kala shaqeeya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM