Xasan Sheekh: Waa in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah.

Kulankan ayaa, sidda laga soo xigtey Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaa todobaadkan looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay'adaha dowladda ee sanadka 2023.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ku cad bayaanka, waxa ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Sanadka 2023 ayuu ku adkeeyay in uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay'adaha dowladda, sidda uu muujineyso war-saxaafadeedka Villadda.

"Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas'uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri warka qoraalka..

Wasiirada ayuu ka dalbadey in "si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deganada laga xoreeyay Khawaarijta iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada".

Dhanka kale, xukuumadda ayuu faray "in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka".

"Madaxweyne Xasan ayaa golaha faray in la hubiyo Mashaariicda hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed," ayay ku warantey warbaahinta dowladda.

Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale waxaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha, si lamid ah hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM