Xasan Sheekh: Waxaa naga go'an Soomaaliya xor ka ah Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

"Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga," ayay faafisay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda".

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa madaxda la wadaagay "guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada".

"Madaxweynaha tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go'an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka," ayuu raaciyey xafiiskiisa.

Bayaanka ayaa ku daray: "Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada,"

Hogaamiyeyaasha ayaa, sidda ku cad qoraalka, waxay xuseen ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM