Xasarada kasoo cusboonaatay Gedo oo kala furfur lagu damiyey

Image
Arrimahan oo is biirsaday ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadda.

KISMAAYO, Jubaland - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisaddii siyaasadeed ee todobaad ka hor ka taagnayd halkaasi ay hoos u dhacday kadib farogalin noocyo kala duwan ah oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Talaabada koowaad waxa ay ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay in uu wacay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kuna wargaliyay in uu Muqdisho kusoo laabto, haddii kale aqalka uu ka qaadi doono talaabo uu xilkiisa ku weyn karo.

Xogaha la helayo ayaa muujinaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu u cawday guddoonka Aqalka Sare, kana dalbay in ay Fartaag wax ka qabtaan.

Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in iyana ay la hadleen saraakiil ciidan oo ku sugan Dooloow, kuwaas oo magangalyo iyo amni siinayay siyaasiyiinta reer Gedo ee halkaasi dhaqdhaqaaqa ka waday.

Cabdirishiid Janan ayaa la sheegay in ay ku dhacday dharbaaxo xoog leh kadib markii hub culus ay kala goosteen askartiisa oo uu isku dayayay in uu dib u abaabulo kadib markii uu gobolka ku laabtay.

Askartan oo la goosatay qoryaha Dhashiikaha ayaa aaday dhanka Balad Xaawo, halkaas oo ay galeen xero ciidanka dowladda oo halkaas ku taala.
Arrimahan oo is biirsaday ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadda.

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan oo wararka sheegayaan in ay dowladda federaalka wadahadal kala leeyihiin arrimaha gobolka Gedo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM