XFS oo ka jawaabtay hadalkii Kenya ee caleema saarka Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ogeyd in wafdigii Kenya ee ka qeybgalay caleemo-saarkii Axmed Madoobe ee Kismaayo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in wafdigii tagay Kismaayo ay halkaas ku tageen "ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Balse wasiir Maareeye ayaa yiri: "Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin".

"Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay tiri diyaarad kasta oo Kenya ka imaaneysa ceddii doonta ha saarnaatee, waa in ay soo martaa Muqdisho, taas ayay wafdiga iyo diyaaradda tagtay Kismaayo ay jebiyeen," ayuu yiri wasiirka.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in diyaaradda sidday wafdiga aysan ahayn mid Kenya laga leeyahay oo ay ahayd mid Soomaaliya laga leeyahay, sidaas daraadeedna aysan Kenya sameyn "wax khalad ah".

''Dadka Kenya ee jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya," ayuu yiri xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

"Qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay'', ayuu hadalka ku sii daray Macharia Kamua oo BBC la hadlay.

Diyaaradda ay Kenya sheegtay in Soomaaliya laga leeyahay, ayuu wasiirku sheegay in cidda diyaaradda saarneyd ay tahay "kuwa ay iyagu haystaan balse aysan diyaaradda ahayn.

Wuxuu yiri Maareeye: "Madaxdii diyaaradda saarneyd ma jirin wax oggolaansho ah oo ay ka haysteen Soomaaliya, iyo wasaaradda arrimaha dibadda oo ay dalka ku galaan."

Wafdigii ka socday Kenya ee ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaa hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya iyo Sanetar Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Gaarisa.

Labada dal waxa u dhexeeya khilaaf muddo soo jiitamayay oo ka dhashay muranka xuduudda badda. Kisskaas oo Soomaliya ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) waxa la dhageysan doonaa bisha June ee sannadka soo socda.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay arrintaas iyo khilaafka ka dhashay wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ilalineyso xiriirka labada dal.

"Arrinta badda nidaam maxkamadeed ayay ku jirtaa, maxkamadda ayaa dib u dhigtay, laakiin annaga mowqifkeennii ahaa in maxkamad lagu kala baxo waxba iskama beddelin, ma jiro wax wada hadal ah oo aan ka qeyb galeyno. Mowqifka dowladdana waa cad yahay." Ayuu yiri wasiirka.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa dhankiisa sheegay in hadda, xiriirka labada dal uu wanaagsan yahay, inkastoo ay jeclaan lahaayeen in arrinta badda lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ.

BBC

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM