Xildhibaan hore oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Sarkaal sare oo katirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu dilay saakay magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Murxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Qaasim Mursal ay ku Labo nin oo Bastoolado ku dileen hubaysan Xaafad lagu magacaabo Ceel-dheere oo katirsan degmada Dharkeenley.

Wararka ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Qaasim Mursal waxa uu kusii jeeday goobtiisa shaqo xilliga la dilayay.

Gacan-ku-dhiiglayaasha ayaa isaga baxsaday Goobta dilka.

Marxuumku, waxa uu kamid ahaa Baarlamaankii dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Mid kamid ah Ergadii doortay Xildhibaanada oo lagu dhaaway;

Koox hubaysan ayaa xalay Muqdishu ku dhaawacay Nabadoon Cusmaan Kheyre, oo kamid ahaa Ergadii ka qeybgashay Doorashada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia.

Labo nin oo ku hubaysan Bastoolado ayaa Nabadoonka ku toogtay  nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin, ee degmada Wardhigleey, xilli uu soo baxay Masjid uu salaadda Maqribka kusoo tukaday.

Nabadoonka Kheyre oo dilka ka badbaaday ayaa wuxuuu kamid aha Ergadii Doorashada Galmudug ee Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Cadaado, Bishii December, 2016-kii.

Maalmahan waxaa Muqdishu kusoo banadayo dilalka beegsiga ah, ee loo geysanayo dadka katirsana hay'adaha amniga dowladda, Ergadiii Doorashada iyo shaqaalaha kale ee u shaqeeyo dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM