​Xildhibaan ku geeriyooday Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Barlamanka cusub ee Somalia, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdishu, kadib markii maalmo badan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla caasumadda.

Xildhibaanka dhintay oo lagu magacaabi jiray Saciid Xasan Geeddi, ayaa kamid ahaa mudanayaasha Aqalkaas ku matala Somaliland, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, oo saaxibo dhow ahaayeen.

Ma uusan sheegin Buux Xanuunka uu u geeriyooday Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi, oo aan ka qeyn-galin Codbixintii Doorashada Madaxweynaha, ee ka dhacday Muqdishu 8-da Bishan February, 2017.

Xildhibaanka ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdishu iyadoo ay ka qayb galeen xubno kamid ah Barlamanka iminka iyo kii hore kuwaasoo tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Somallia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo, "Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka geeriyooda Baarlamaanka cusub ee dalka Somalia, oo ka kooban 329 Mudane, kuwaasi oo ku kala jiro Aqallada hoose iyo sare.

Sida ku xusan Xeerka cusub, booska uu ka baxay Saciid Xasan Geeddi, waxaa loo gali doonaan tartan lamid ah kii isaga lagu doortay, oo ay u codeeyeen 51 Ergo, oo laga soo xulay Beeshiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM