Xilliga la dooranayo madaxweynaha cusub ee Galmudug oo la muddeeyay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay "jadwalka" hanaanka coddeynta maamul goboleedkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa waxay ku shaaciyeen in 25 – 28 bishaan November la xaqiijinayo Odayaasha Dhaqanka.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, 29 November illaa 09 December ayaa waxaa lasoo xuli doono Xildhibaanadda cusub ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa war-murtiyeedka ku xusay in 10-12 December uu howlgeli doono Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

Bayaanka ayaa waxaa lagu caddeeyay in doorashadda gudoonka baarlamaanka ay qabsoomeyso 13-16 December.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey in ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Illaa iyo haatan, saddex murashax ah oo laba kamid ah ay ka socdaan mucaaradka iyo mid dowladdu wadato ayaa u taagan xilka ugu sareeya Galmudug.

QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM