Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Cuba oo loo soo celiyay

Image
Cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee Havana iyo Muqdisho ayaa waxa uu go’ay bartamaha sanadkii 1970-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed, sidda uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Abshir Cumar Jaamac.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Safiirka Cuba u fadhiya Kenya, Juan Manuel Rodríguez Vázquez, uu booqasho aan warbaahinta lala wadaagin uu ku yimid magaala madaxda Muqdisho

Vázquez ayaa, sidda ay xogta sheegeyso, waxaa laga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga danjiranimo cusub si gaar ah safiir aan degaankiisa saxda ah uusan ahayn caasimadda Soomaaliya.

Cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee Havana iyo Muqdisho ayaa waxa uu go’ay bartamaha sanadkii 1970-kii ka gadaal markii Cuba ay Itoobiya ku taageertay dagaalkii xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho.

Bishii October 6, 2020, Wasaaradda arrimaha dibadda Cuba ayaa uga mahadcelisay dhigeeda Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay dib u soo celinta labo dhaqtar oo Cuban oo Al-Shabaab kasoo qafaalatay Kenya.

Dhakhaatiirta Cuba ayaa la qafaashay 12-kii April, 2019-ka, xilli ay ka shaqeynayeen dalka Kenya, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay dowladda Cuba ay la xiriirtay xiriir joogto ah lala lahayd Muqdisho iyo Nairobi.

Bishii Abriil, 2020, Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, ayaa ku dhawaaqay bartiisa Twitter-ka in hal sano ka dib afduubka, uu la hadlay qoysaska dhibanayaasha una xaqiijiyey in ay helaan xorriyadooda.

Dhakhaatiirta Assel Herrera, oo ku takhasusay Daawada Guud, iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin, ayaa qayb ka ahaa hawlgalka caafimaadka Cuba ee Kenya gaar ahaan degaanadda miyiga fog ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM