​Xisaabiyihii Guud Qaranka oo xilka laga qaadey [COD]

Image

MUQDISHO, Somaliya - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somaliya, ayaa maanta xilkii ka qaadey Xisaabiyihii Guud ee dalka, Axmed Yuusuf Siraaji, kadib Kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Golluhu wuxuu u magacaabay xilkaasi Faadumo Cismaan Faarax, oo magacaabisteeda soo jeediyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle. 

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Shirkii Guud ee QM, oo Somaliya uga qeyb-galay mudane Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii QM ee uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay in caalamka uu hadda u heelan yahay inay wax u qabtaan Somaliya.

Gollaha Wasiirada Xukuumadda waxay sidoo kale intii uu socday kulankooda ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda Somaliya laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro dhaqaale uu u gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM