Xisbiyada mucaaradka oo ka digay xeer loo gudbiyey Golaha Wasiirada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa waxay ka digtay xeer ay sheegeen in maanta oo Khamiis ah looga doodi doono shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Sharciga hay'addaha aan dowliga ahayn ayaa waxaa diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda federaalka ah.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madasha, oo ay ku midoobeen lix xisbi siyaasadeed, ujeedka uu wasiir Jamaal Maxamed Xasan ka leeyahay xeerkan waa "in uu awood badan yeesho".

"Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan waa in ay Wasiirka u suura-gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiya u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada".

Xeerka ayaa caqabad ku noqon doona wada-hadalka iyo heshiisyadii lala galay Somaliland, sidda ku xusan bayaanka.

"Ujeedada heshiisyadda laga lahaa waxay ahayd in la abuuro jawi sahli kara wada-hadal macno leh oo dhex mara Xukuumadda Dhexe iyo Somaliland si looga midho-dhaliyo midnimo la isla ogolyahay".

Wasiir Jamaal ayaa horey u waydiistay Beesha Caalamka in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland isla markaana xukuumaddiisa lasoo marsiiyo mashaariicda ku wajahan degaanada maamulkaas.

Ugu dambeyntii, xisbiyadda oo si cad u muujiyey in ay kasoo horjeedaan xeerkan ayaa soo jeediyey "in aan goleyaasha la horkeenin xeerarka noocaan ah inta laga gaarayo xal u cuntami kara umadda".

QORAALKA WASIIRKA

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM