Xog kasoo korodhay kulamadda Khayre kawado Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Macluumaadyo dheeri ah ayaa kasoo baxaya kulamadda uu ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre kawado Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, shirarka ayaa badankooda ku saabsan xal-u-helista muran ka dhashay Xildhibaanadda ay soo xulatay Ahlu Sunna.

Khayre oo Dhuusamareeb dib ugu laabtey 29-kii December, 2019, ayaa kulamo kala duwan la qaatay hogaanka ururka Ahlu Sunna.

Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho "ku guuldareystay" in uu ku qanciyo Ahlu Sunna in ay wax ka bedel ku sameeyaan liiska ay shaaciyeen.

Xogaha ayaa tibaaxaya in Ahlu Sunna u cuskatay diidmadeeda "in kaliya ay tabasho qabaan beelo qaar, hadii ay ku dhaqaaqdana ay suurtogal tahay in ay ku daydaan beelaha kale".

Bulshooyinka cabashadda ka muujiyey liiska Ahlu Sunna soo bandhigtay ayaa la sheegay in ay degaan Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Kadib kulan maanta, 1-da January, 2020, magaaladda Dhuusamareeb ku dhexmaray Khayre, odayaasha dhaqanka degmooyinkaas iyo Xildhibaanadooda waxay gaareen "is-afgarad".

Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga qoraal soo dhigay ayaa xaqiijiyey "heshiiska" wallow uusan tafaasiil bixin.

Warbixinadda ayaa muujinaya in "is-afgaradku" yahay in Ahlu Sunna loo daayo liiska sharci-dejiyeyaasha ay soo xusheen.

"Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan," ayuu yiri.

Mudanaha oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ayaa tibaaxay "in meesha laga saarey madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug".

"Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug," ayuu ku daray.

Dhinaca kale, Khayre ayaa kulan la leh odayaasha saxiixeyaasha ah si uu uga codsado dardargelinta dhismaha Galmudugta cusub.

Khilaafka ka dhashay liiska Xildhibaanadda Ahlu Sunna ayaa baajiyey ku dhaqanka jadwalka doorashooyinka Galmudug oo qorshuhu ahaa in bishan Janaayo la guda galo doorashadda.

Talaabadan haatan xigta, hadii aysan caqabad kale soo bixin, waxaa lagu sheegay in lagu dhawaaqo maalmaha soo aadan liiska Xildhibaanadda baarlamaanka Galmudug oo ay xigto coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Ciidan oo Helay Darajada Ugu Sarreysa kadib Dagaal uu La Galay Dal Deris Ah

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu sheegay in Munir lagu…

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 12:55PM

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM