XOG: Madaxweynaha Soomaaliya oo Diidey Codsi Uga Yimid Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Kadib markii kulan madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo kana soo baxeen go'aamo dalbanaya in wadahadal laga yeesho arimaha masiiriga ah ee dalka ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hay'adda Fullinta waxay go'aansadeen in wadahadal aysan ka galin dalabka maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka mudane Farmaajo ayaa qoraal dabacsan kasoo saarey warmutiyeedkii Madaxweynayaasha maamul goboleedyda Halkaan Ka Akhri halka Ra'isal wasaare Khayre khudbad uu ka jeediyey Muqdishu uu diidmo hanjbaad ku jirto ka sameeyey dalabka Kismaayo. Xogogaal la hadlay Warsidaha Garowe Online oo diidey magaciisa ayaa u sheegey in go'aanka rasmiga ah ee Villa Soomaaliya uu yahay midka laga akhrisanayo hadalka Wasiirka kowaad ee xukuumada Federaalka. Halka Ka Daawo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in kulan dhexmarey qaar ka tirsan wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo waxyar kadib go'aankii madaxda maamuladu kasoo saareen Kismaayo ku dhamaadey natiijo la'aan.Wakiilada Beesha caalamka ayaa soo bandhigey in Madaxweyne Farmaajo uu wadahadal la furo madaxda maamulada Soomaaliya balse diidey isagoo sheegey in siyaabo kale ku xalin doonaan khilaafka jira.

Wararka ayaa xusaya in xubnaha Beesha caalamka u balameen mar kale in wadahadal intaas ka balaaran la yeeshaan madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaan weli hadal kasoo saarin wac hadal ah khilafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo u dhexeeya siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed kuwasoo ka shaqeynaya sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweyne Shariif Xasan, xogogaal ayaa u sheegaya Warsidahaan in kulamadaan ay ku lug leeyihiin saraakiil sare ee ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale warar aan ka heley ilo kalsoon yahay diidey in isaga iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug  la dhexdhexaadiyo isagoo hoosta ka xariiqey inuu aqoonsan yahay go'aankii xilka looga qaadey mudane Xaaf.

Mudane Farmaajo ayaa go'aankiisa ku saabsan muranka siyaasadeed ee ka jira Galmudug u sheegey guddi isku dhaf ah oo ay sameysteen Xildhibaanada kasoo jeeda maamulkaas kuwasoo kala taageersan labada aragtiyood ee ka jirta xarunta Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo maalintii shaley 12 Oct, 2017 mar uu saxaafada warbixin kasiinayey kulankii golaha Wasiirada ee maalntii Khamiista ayaa sheegey in madaxda sare ay casumaad u fidiyeen hogaamiyaasha maamul goboleedyada balse sida GO fahansan yahay ma jiro go'aan rasmiya oo kasoo baxey Villa Soomaaliya kaasoo wax ka badalaya is-hortaagnaanta jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM