XOG: Rooble oo shir gaar ah la leh Mushariixinta Mucaaradka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa saakay shir gaar ah isagu yeeray Midowga Musharixiinta Mucaaradka, kadib markii shalay ay sheegeen inaysan aqbali doonin natiijadda doorasho lagu shubtay.

Xog hoose oo Garowe Online ka helay Madaxtooyadda ayaa sheegaysa in Rooble uu doonayo inuu qanciyo Mushariixinta, islamarkaana uu ka dalbado inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee kasoo yeeraya, kaasoo dhaawacaya geedi-socodka doorashadda iyo kalsoonida Beesha Caalamka.

Kulanka oo ka socda Villa Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa maalin kadib markii Mushariixinta shalay ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen in hadii aan la joojin musuq-maasuqa ka jira doorashadda aysan aqbali doonin waxa kasoo baxa.

Hadalkan ayaa abuurey jawi cabsi leh, maadaama Musharixiinta ay dhaq-dhaqaaqyo ka billaabeen Muqdisho, oo ku aadan sidii ay u dhisi lahaayeen Gollaha Badbaado Qaran, oo ay doonayaan ina kula wareegaan talada dalka, hadii aysan u dhiicin doorashadda si waafaqsan heshiiskii Sep 17.

Musharixiinta ayaa ka digay haliska ka dhalan karta doorasho la boobey, oo aan loo dhameyn dhamaan saamileyda siyaasadda dalka, iyadoo eedo loo jeediyay Rooble oo isbedel ku yimid balan-qaadkiisa kadib safarkii Qatar October 2021.

Waxaa la xasuustaa in April sanadkan Muqdisho Musharixiinta ay dhofaysyo ka qoteen hareeraha Madaxtooyadda, islamarkaana ay khatar geliyeen dowladda uu Farmaajo hogaamiyo kadib markii ay sameysatay Mudo-korarso labo sano ah, oo sharci-darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM