XOG: RW Somalia oo la Taliye u Magacowdey Agaasimihii Arimaha Gudaha ee Shaqada laga Eryey

Image

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa sidoo kale guddi Wasiiro kooban ee ka warqaba howlaha wasaradaha arimaha gudaha iyo Dastuurka u magacaabey gudiyadaas waxaa xubno ka ah wasiirada labadaan wasaradood.

MUQDISHU, Somalia- Wararka warsidaha GO ka helayo xubno ka warqaba xafiiska Raisla wasaraha  ayaa sheegaya in Wasiirka Kowaad ee dowlada Federaalka Somalia u magacaabey la taliyahiisa arimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Agaasimihii guud ee Wasaarada arimaha gudaha dhowaan xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.

Yaxye Cali Ibraahim oo isku beel yihiin Ra'isal waaare Khayre ayaa markii Wasiirka arimaha gudaha dowlada Cabdi Farax Siciid diidey xil ka qaadista ku sameeyey ayaa markii dambe ku aqabaley Kadib markii culeysyo siyasadeed ka yimadeen dhinacyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in talabadaan dib u soo celisay khilaafkii ka dhex jirey xafiiska Ra'isal wasaraha iyo Wasiirka arimaha gudaha iyadoo xogtaan sheegeyso in Cabdi Farax Juxa uu diidey xilkaan cusub ee loo magacaabey Yaxye Cali Ibraahim.

"Magacaabistaan waxay lamid tahay iyadoo shaqadii Wasaarada arimaha gudaha la geeyey xafiiska Ra'isal wasaraha" sidaas waaa GO u sheegey mid kamid Shaqaalaha wasarada kula hadlay khadka taleefanka.

Lama oga sababta keentey in Ra'isal wasare Khayre qaato go'aankaan lakiin warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiriirka labada mas'uul u dhexeeya uusan wanaagsneyn tan iyo intii wasiirka arimaha gudaha safarka kaga soo noqdey Puntland halka dhinaca kale xogtaan sheegeyso in Wasiirka kowaad ee Somalia uu ka baqayo aragtida Wasiir Juxa ka qabo arimaha Federaalka, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale wararka warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in dhowaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu diidey soo jeedin Wasiirka Kowaad ee xukuumada Somalia ka timid taasoo aheyd  in isku shaandheyn kooban uu ku sameeyo golihiisa wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in RW Khayre talabadaan u qaadi lahaa sidii kalsooni uga sameysan lahaa  xildhibaanada mucaradka ah kuwasoo in muddo ah hadal hayey in codka kalsoonida ah uga qaadi lahaayeen Wasiirka Kowaad iyo xukuumadiisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM