​Xubno ka tirsan Shabaab iyo Qaraxyo lagu qabtey Beled-Xaawo [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELED XAAWO, Somalia- Wasiirka amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur, ayaa kusoo bandhigay Doolow rag katirsan kooxda Al shabaab iyo qaraxyo lagu soo qabtey Howlgal ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa Saxaafadda usoo bandhigay afar nin oo katirsan Al shabaab iyo waxyaabaha qarxa, oo lagu soo qariyay Caagado, lana doonayay in lagu fuliyo weeraro ka dhan ah Ciidan ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka qeyb-qaateen Howlgalka lagu soo qabtey dadkan, oo ka dhacay Guri ku yaalla degmada Beled-Xaawo. Labo kamid raggan waxay wateen dhalashada Kenya.

Magaalooyinka ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo Xadka Somalia waxaa inta badan ka dhaca  weeraro isagu jira qaraxyo, dilal iyo afduub, kuwaasi oo Al shabaab ay kordhayeen mudooyinkan dambe.

Al shabaab ayaa doonaysa inay carqaladayso Doorashooyinka Madaxtinimo ee ka dhaci doono Kenya bisha August, 2017, waxaana ay qoratay dhalinyaro u dhashay dalkaasi, oo u fuliya weerarada. 

Maamulka Jubbaland wuxuu sheegay inay labo jibaarayaan Howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab, iyagoo kaashanaya Ciidamada Militariga Kenya, ee ku sugan gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM