Xubno katirsan Al Shabaab oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Saddex dagaalyahan oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Hiliwaa, ee waqooyiga magaalada caasumadda ah ee Muqdishu.

Dagaalka ayaa yimid markii  Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Nabad sugidda xilli ay howlgal ka fulinayeen Xaafadda Suuqa Xoolaha, ee degmada Hiliwaa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada NISA ay ku dileen iska-caabinta weerarka  lagu soo qaadey ah Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo u qaabilsanaa Degmadaasi Hiliwaa oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar.

Dagaalka waxa uu ka dhacay Warshadii hore ee Barafuunka, oo ku taalla Xaafada Suuqa Xoolaha.

Al shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka Suuqa Xoolaha ka dhacay, iyo warka kasoo baxay mamaulka gobolka Banaadir, oo ku saabsan Dilka Amiirkooda Jacfar iyo dagaalamayaasha kale oo ku dhintay iska caabintaas.

Xaafadaha ku yaalla waqooyiga Muqdishu, gaar ahaan Deyniile iyo Hiliwaa ayaa inta badan waxaa ka dhacay weeraro Al shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Dilal qorsheysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM