Xubno katirsan Al Shabaab oo Muqdishu lagu xukumay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah labo ruux oo la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab kuwaasoo lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray falal liddi ku ah amniga.

Sida uu maxkamadda ka hor cadeeyay Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa tilmaamay in raggaasi lagu helay dambiga loo haysto oo ah inay kamidyihiin kooxda Al shabaab.

Shuute, ayaa sheegay in labadaan dambiile oo kala aha; Maxamed Cali Kadiye inna Nuuro Weheliyey 27 Jir ah ku Dhashay Galgaduud iyo Xuseen Xaaji C/laahi inna Maryahan Maxamed ku dhashay Galgaduud, maxkamaddu ku xukuntay 10 sanoo oo xabsi ciidan ah.

Wuxuu tilmaamay in ciddii aan ku qanacsanayn go'aanka maxkamadda ay ka qaadan karto Racfaan.

"Raggan ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyeen dambiga ah kamid noqoshada ururo hubaysan oo liddi ku ah dowladda, kadib markii ay kamid noqdeen ururka Al Shabaab," Ayuu yiri Shuute.

Labadaan shakhsi ayaa lagasoo qabtay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud 19 bishii 03, 2017 iyagoo waday baabuur Hoomey ah oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa iyo taleefoono loo adeegsado howshaas. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM