Xubno katirsanaa Ganacsatada Qaadka oo Marka lagu dilay

Image

MARKA, Somalia- Kooxo hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa xalay Labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoos.

Goob Joogayaal ayaa u sheegay GO in Dabley Bastoolado ku hubeysan ay Labada ruux oo kamid aha Ganacsata qaadka ku toogteen Suuq ku yaalla bartamaha Marka.

Falkaas kadib kooxdii weerarka soo qaaday ayaa goob ka baxsatay.

Lama oga sababta loo dilay Ganacsatada, iyo cida dishay waxay ay yihiin, balse saraakiisha ciidamada amniga magaalada ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, islamarkaana ay ku raadjoogaan dilaayaasha.

Magaalada Marka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay dowladda Somalia sanadkii 2012, waxaana ka dhacayay dilal, qaraxyo iyo dagaal u dhaxeeya labo beeleed oo ku loolamayo maamulka degmada.

Al Shabaab ayaa ku sugan saldhigyo aan ka fogeyn magaalada Marka, iyadoo ay halkaasi kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM