​Xubno looga shakiyay Al Shabaab oo Kismayo lagu qabtay

Image

KISMAYO, Somalia-  Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo gaar ah ka sameeyay saaka xaafadaha magaalada xeebta leh ee Kismaayo.

Howlgallada ayaa yimid kadib markii Qarax miino  lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Jubbaland duleedka Magaalada Kismaayo, kaasi oo aan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Howlgalladan horkaceya ayaa waxay Warsidaha Garowe Online, u sheegeen ujeedka Howlgalladan uu yahay in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Kismaayo.

Waxay tilmaameen in tiro ka badan 10 Qof, oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin  Al shabaab lagu soo qabtey Howlgalka saaka, kadibna la dhigay Saldhiga Booliska, halkaasi oo Su'aallo lagu weydiinayo.

Madaxda Mamaulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Al shabaab ka geestaan magaalada inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM