Xubno sarre oo ka baxay xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Image
Warar aan si madax-banaan loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in dildilaacan ay la xiriirto "isbedelo siyaasadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - La Taliyaha dhinaca amniga xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Kamaal Gutaale iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa iska casiley xubinimada xisbiga Wadajir.

Lama oga sababta keentey in xubnahaan ka baxaan xisbigaan balse qoraal uu soo dhigey bogiisa Facebook-ga ayaa Kamal Gutale ku sheegey iney jiraan duruufo keenay iney isaga tagaan xisbiga Wadajir xiligaan.

Warar aan si madax-banaan loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in dildilaacan ay la xiriirto isbedelo siyaasadeed oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay saaxadda gaar ahaan Golaha Shacabka.

Mudaneyaal kamid ah Aqalka Hoose iyo kuwa horey uga mid ahaa ayaa ku jira liiska shaqsiyaadka ka baxay xisbiga Wadajir wallow aysan si shaac-baxsan uga waramin sababaha keenay.

Wadajir ayaa waxa ka ah Gudoomiye xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame islamarkaana ah ergey gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya arimaha abaaraha.

Warsame ayaa kamid ahaa musharaxiintii u tartantey madaxtinimada Soomaaliya balse ku haray wareegii koowaad coddeyntii qabsoontey bishii May 15-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2022-kii.

Inta badan siyaasiyiinta waaweyn ee kamid ah xisbiga Wadajir ayaa haatan waxay xubin ka yihiin maamulka haatan haya talada dalka gaar ahaan waxay ku kala jiraan goleyaasha kala duwan ee heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM