Xukun lagu riday 42-jir basaas u ahaa maleyshiyaadka Al-Shabaab

Image
Yuusuf Xassan Ibraahim ayaa laga soo xiray deeganka Ceelasha Biyaha sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee sanadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya ayaa 10 sano oo xabsi ciidan ah Yuusuf Xassan Ibraahim oo 42 Jir ah, sidda ay ku warantey warbaahinta Garsoor oo ku hadasha afka ciidanka.

Ibraahim ayaa la sheegay in lagu helay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa si lamid ah uruurinta xogaha.

"Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan. Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha," ayaa la raaciyey bayaanka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Yuusuf Xassan Ibraahim 42 Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa.

Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan. Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha.

Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuunaka sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray Boqol iyo Sodon dollar.

Horjoogihiisii ayaa u sheegay in uu usoo dhiibay alaab, waxaana loo dhigay qurac Dhimbil caag shanlo ah oo kor marka laga eego Masago ku jirto, jiridiisana Bastoolad ay dhex taalo.

Yuusuf oo ku hubeysan Bastoolad ayaa ka dul dhacay ciidan Roondo ku jiray sidaas ayuuna ku soo gacan galay. Baaris dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Sideedii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Yuusuf Xassan Ibraahim 10 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu dalban karo Rafcaan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM