Xukuumada iyo Bangiga Dhexe oo ku kala qeyb-samay muranka Forex

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in aan laga talagelin go'aankii Bangiga Dhexe kasoo saarey shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah, sidda ay baahisay BBC-da.

Warqad kasoo baxday maamulka Bangiga kuna taariikheysan 23 December, 2019, ayaa lagu amray Bangiyada Ganacsiga ee gudaha in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa dhamaan xisaabaadka Forex-ka.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo u waramay idaacadda VOA, ayaa go'aanka ay qaateen ku sababeeyay cabasho kaga timid dadweynaha iyo ganacsatada qaar.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Rugta Ganacsatada Soomaaliya ay ku jirto dhinacyadda "karkariyey" ashtakadda.

Maryan Cabdullaahi Yuusuf, gudoomiye ku xigeenka Bangiga, oo warqadda xafiiskeeda ay kasoo baxday, ayaa tibaaxday in ay jiraan shirkado lagu eedeeyay "dhac baahsan iyo is-dabamarin".

"Shirkadaha laga hadlayo waa shirkado aan ruqsad ka haysan Bangiga Dhexe oo dad kale kaga uruurinaya lacago in ay faa'iido uga sameynayaan," ayuu Cabdullaahi yiri, oo ku guuldareystay in uu shaaciyo magacyadda.

Markii VOA-du waydiisay in uu soo bandhigo magacyadda shirkaddaha uu dhaliilay ayuu ku jawaabay: "Walaahi manaqaano, tiradooda iyo magacyadooda, runta hadaan kuu sheego, xiriir lama nihin".

Sidda laga soo xigtay Talafishinka BBC Soomaali, wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkeystay in aysan qayb ka ahayn go'aankan Bangiga Dhexe.

"Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in aaney war u hayn go'aankan oo aan iyaga lagala tashan, waxayna wasaaraddu intaas raacisay in ay shatiyo siiso shirkadaha ka ganacsada lacagaha qalaad," ayuu yiri Tv-ga.

Bishii October ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii laamaha ammaanka ee Soomaaliya ay albaabada u laabeen qaar kamid ah xarumaha shirkadaha ka ganacsatada sarifka lacagaha qalaad, wallow kolkii dambe xayiraada laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM