Doorasho hal dhinac oo mar kale loo qabtey guddiga Somaliland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah goobjoog ka noqotay doorashadda guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka ah.

Doorashadda oo ku qabsoontey Teendhada ciidamadda cirka ee Afasiyooni ee caasimada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxdey natiijo lamid ah tii horey ee uu kasoo horjeestay garabka kale ee ka maqnaa madasha.

Khadar Xiriir Xuseen ayaa loo xushay guddoomiyaha guddiga, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka kadib markii uu ka adkaadey Amaal, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer federaal.

Garabka taabacsan afhayeenka Senate-ka Cabdi Xaashi Guuleed ayaa xalay qaadacay doorashadda. Wallow aysan si rasmi ah u caddeyn, haddana waxaa la filayaa in ay dhankooda doortaan guddoon gaar u ah.

Xaashi iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar oo fulinaya siyaasadda maamulka waqtiga ka dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku haya doorashadda guddoonka guddigan.

Qodobka ugu culus ee dhinacyada isku hayaan ayaa kala ah; Xaashi oo doonaya in doorashada guddoonka lagu galo heshiis, iyo dhianca kale oo ka faa'iideysanaya tirada badan ee xubnaha guddiga ka haysto.

Darafka Xaashi ayaa kaliya guddiga ka ah afar xubnood. Wallow Guuleed qudhiisa uu haysto afar xubnood, haddana waxaa u wehliya saddex kale oo Rooble soo magacaabay kuwaasoo u jaranjeera dhinaca Mahdi.

Guddoomiyaha la doortey ee garabka Guuleed ayaa ah xubin ka tirsan shaqaalaha hay'adda qaxootiga qaranka. Mucaaradka waxay dalbadeen in meesha laga saaro xubintan "oo kamid ah taageereyaasha Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM