Xukuumada oo shaacisay qorshaheeda tayeynta caafimaadka

Image
Shirka ayaa soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo tayo leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlaayo horumarinta xirfadleyaasha Caafimaadka dalka.

Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay kor u qaadidda tayada xirfadleyaasha caafimaadka dalka iyo sidii loo heli lahaa dhaqaatiir buuxisa baahida caafimaad ee dalkeenna ka jirta.

Shirka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo adkaysi iyo tayo leh, kuwaas oo muhiim u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM