Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo "heshiis gaarey"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa waxay gaareen heshiis ku aadan doorashadda Galmudug, sidda laga soo xigtay mas'uuliyiin.

Warbaahinta gudaha ayaa is-afgaradka waxay ku sheegtay in xukuumadda "ogolaatay" dalabka Ahlu Sunna.

Codsiga Ahlu Sunna ayaa ahaa in 30 mudaneyaal ay ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee Galmudug. Tirada guud ee Golaha Wakiiladda maamulkan waxay gaareysaa 89-xubnood.

"Heshiiska wuu dhacay waxaana la saxiixi doonaa dhowaan," sidaas waxaa laga soo xigtay dhowr saraakiil oo ka gaabsaday magacyadooda.

Midkood wuxuu raaciyey: "Halkaanna waxaa kasii socon doonta dhismaha Galmudug midda ah iyo soo xulista Xildhibaanadda cusub".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii muddo asbuuc ah dib loo dhigay soo xulista Xildhibaanadda si loo xaliyo tabashooyinka Ahlu Sunna oo ay safka hore kaga jira qoondadooda baarlamaanka cusub.

Marka laga soo tago baahinta saxaafadda ee heshiiskan, ma jiro war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay labadda daraf.

Qorshaha dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay ayaa qaatey muddo badan kadib markii diidmo xoogan kala kulmey dhinacyada kala duwan ee uu khuseeyo.

Sikastaba ha ahaatee, dhismaha maamul la isku raacsan yahay oo Galmudug yeelato ayaa waxaa dan u yahay nidaamka Federaalka ah ee ka tisqaadey gayiga Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM