Xukuumadda oo beenisay "dacaayado" laga faafiyey Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay "daayacad lasoo abaabulay oo laga faafiyey ra'iisul wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble".

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku xigeenka oo warfidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa xusay in ay hayaan caddeymo ku filan oo ah cidda soo abaabushay dayaacadahaas".

Al-Cadaala oo ka gaabsadey in uu Villa Soomaaliya si toos ah ula xiriiriyo dacaayadaha uu sheegay ayaa tibaaxay in Rooble "lagu beegsanayo dedaalada uu ugu jiro doorasho daahfuran".

Dhinacyo uusan magacaabin ayuu ku eedeeyay in ay is-hortaageen shaacinta natiijada baaritaanka guddiga xaqiiqo raadinta ee eedeynta loo jeediyey wasiirka koowaad ee dalka Rooble.

Hay'adaha dowliga ah ayuu ku booriyey in ay shaqadooda u gutaan sida waafaqsan dastuurka iyo sharciga. Cid kasta oo ka hortimaada ama baalmarta ayuu ugu hanjabay in talaabo laga qaadayo.

Hadalka Al-Cadaala ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan taliyaha ciidamadda badda, Cabdixamiid Dirir, uu ka dhawaajiyey in uu Rooble "boob ku hayo dhul ay leeyihiin ciidamadda aan madaxda u ahya".

Dhawaqa Cabdixamiid ayay dad badan ku sifeeyeen "shirqool ay soo abaabushay Madaxtooyadda Soomaaliya" ujeedkuna yahay "daahinta doorashooyinka iyo abuurida xasarad jahwareerin ah". 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM