Xukuumadda oo ka digtay fatahaadyo horleh fariinna u dirtay shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa digniin horleh waxay kasoo saartay roobab iyo fatahaadyo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Koonfurta iyo Galbeedka dalka, maalmaha soo aadan.

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa war-saxaafafeed daboolka kaga qaadey in roobabka soo aadan ay ka dhici karaan goboladda Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.

Bayaanka ayaa dadweynaha looga dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ka fogaadaan meelaha ay ka akdhow yihiin Webiyadda iyo Dooxooyinka.

Digniinta ayaa kusoo aadeysa xili daadad bishii hore ku dhuftay Beledwayne ay ku naf-waayeen tobanaan ayna ku barakaceen in ka badan 60-kun oo shacab ah.

Xukuumadda ayaa bilowday in ay gurmad gaarsiiso meelaha ay ka dhaceen fatahaadyadda oo ay kamid yihiin magaalooyinka Bardaale, Baardheere iyo Doolow.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu deeqay dadkan aduun dhan laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah, taas oo ay gaarsiin doonan dadka u baahan maalmaha soo aadan.

Dowladda ayaa Beesha Caalamka waydiisatay kaalmo degdeg ah iyo maalgelinta xalka waara ee fatahaadyadda oo ka dhashay markii ay qararka jabsadeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Webiyaddan ayaa ka yimaada Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo oo Beledwayne tebooqday ayaa cod dheer ku qeexay wada hadal la geli doonan Addis Ababa si looga hortago fatahaadyo kale oo dhaca.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM