Xukuumadda oo ka digtay fatahaadyo horleh fariinna u dirtay shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa digniin horleh waxay kasoo saartay roobab iyo fatahaadyo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Koonfurta iyo Galbeedka dalka, maalmaha soo aadan.

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa war-saxaafafeed daboolka kaga qaadey in roobabka soo aadan ay ka dhici karaan goboladda Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.

Bayaanka ayaa dadweynaha looga dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ka fogaadaan meelaha ay ka akdhow yihiin Webiyadda iyo Dooxooyinka.

Digniinta ayaa kusoo aadeysa xili daadad bishii hore ku dhuftay Beledwayne ay ku naf-waayeen tobanaan ayna ku barakaceen in ka badan 60-kun oo shacab ah.

Xukuumadda ayaa bilowday in ay gurmad gaarsiiso meelaha ay ka dhaceen fatahaadyadda oo ay kamid yihiin magaalooyinka Bardaale, Baardheere iyo Doolow.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu deeqay dadkan aduun dhan laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah, taas oo ay gaarsiin doonan dadka u baahan maalmaha soo aadan.

Dowladda ayaa Beesha Caalamka waydiisatay kaalmo degdeg ah iyo maalgelinta xalka waara ee fatahaadyadda oo ka dhashay markii ay qararka jabsadeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Webiyaddan ayaa ka yimaada Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo oo Beledwayne tebooqday ayaa cod dheer ku qeexay wada hadal la geli doonan Addis Ababa si looga hortago fatahaadyo kale oo dhaca.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM