Xukuumadda oo iclaamisay go'aan ku aadan doorashadda Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa Arbacada maanta ah, wuxuu gaarey Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Sabriye oo ay wehliyeen mas'uuliyiin kale, ayaa saxaafadda u sheegay in ay qabsoomi doonto doorashadda maamulkaas.

"Looma hakan doono Ahlu Sunna," ayay warbaahinta gudaha kasoo xigatay Sabriye, oo u muuqda mid duraya ururkaas.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee xukuumadda magacowday soo saarey jadwalka coddeynta, wallow Ahlu Sunna ay kasoo horjeesatay.

Sabriye ayaa horey ugu dhaliilay Ahlu Sunna Waljameeca in ay "jid-gooyo" u dhiganeyso dhismaha Galmudug loo mideysan yahay.

Hogaanka Ahlu Sunna oo qoonsaday qorshaha Vilal Soomaaliya ee doorashadda ayaa ku goodiyey in ay dhankooda soo saari doonan habraac doorasho, taas oo sarre u qaadeysa kala aragti duwanaanshiyaha.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda ku haysata xukuumadda in ay "ku balan furtay" isla markaana aanan loo fulin heshiis ahaan in la siinayo kala bar Xildhibaanadda cusub ee Galmudug.

Sidda ku xusan jadwalka doorashadda guddiga xukuumadda, madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa la dooranayaan 17-ka bisha soo aadan ee December, waxaana ka horeyneysa midda baarlamaanka.

Dhinaca kale, xubnaha Odayaasha saxiixayaasha ayaa la filayaa in ay gaaraan Dhuusamareeb xili ay maanta ku egtahay waqtiga gudigga doorashooyinka uu ugu yeeray in ay ku soo xaroodaan.

Ammaanka xarunta gobolka Galgaduud ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana sugaya askar ay dowladda u daabushay magaaladda, taas oo walaac ka muujiyeen siyaasiyiinta iyo Ahlu Sunna.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa mareega Garowe Online u sheegay in huteeladda magaaladda lagu wargeliyay in ogolaanshiyo la’aan aysan martigeli karin shirar looga soo horjeeda dowladda.

Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay ayaa dhowaan ku taliyey in geedi u socodka nidaamka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug uu noqdo mid mirodhal ah khilaafkana lagu xaliyo wada hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM