Yaa sanadkan Soomaaliya uga qeybgalaya Shirka Qaramada Midoobay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u duulay dalka Mareykanka, oo ugu qeybgali doono Shirka Guud ee Qaramada Midoobey, oo 18-ka bishan ka furmaya 18-ka bishan, oo berri ku beegan.

Meertada 78aad ee Shirka sanadlaha UN-ka, ayaa waxa uu socon doonaa mudo 4 maalin ah, 18-2022 September, waxaana la filayaa in Raiisul Wasaaraha ka jeediyo khudbad uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, bini'aadanimada iyo dowlad-dhiska.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu ka hadlo ka bixitaanka Ciidanka ATMIS iyo diyaargarowga dowladda inay la wareegto mas'uuliyadda amniga dalka, oo mudo ku jiray gacanta Ciidanka Midowga Afrika, oo UN-ka taageero.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqday shirka, maadaama uu ku sugan yahay jiida-hore ee dagaalka, isagoo halgan ugu jira inuu ka adkaado Al-Shabaab, kana dhabeeyo balan-qaadkiisa inuu sanadkan ka dhigo Soomaaliya meel ka caagan argagaxisadda.

Hogaamiyayaasha dunidu waxay isugu iman doonaan New York furitaanka kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud (UNGA 78) iyadoo halku-dhiggiisu yahay, “Dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah: Dardar gelinta hawlaha Ajendaha 2030 iyo Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah ee dhinaca nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka dadka oo dhan.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM