Covid-19 oo gudaha u galay saldhig boolis iyo saraakiil laga helay

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex kamid ah askarta saldhiga bileyska xaafadda Kamukunji ee caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo laga helay Covid-19 ayaa dhalisay in baaritaan loo diray saraakiisha kale.

Sidda ay wararku sheegayaan, sarkaalka koowaad oo ka tirsan waaxda dambi baarista CID ayaa la xaqiijiyey in uu xanuunka qabo Jimcadii, wuxuuna ku karan-tiilan yahay hoygiisa isaga iyo qoyskiisa.

Sarkaalka kale oo goobtiisa shaqo lagu baarey loogana helay cudurka wuxuu ku karan-tiilan yahay Kenyatta University; qoyskiisa waxaa lagu karantiilay saldhiga booliska Kamukunji ku dhow hoygooda.

Wasaaradda Caafimaadka, sidda ay wararku sheegayaan, ayaa koox deg-deg ah u dirtay saldhiga booliska Kamukunji si ay u baaraan saraakiisha kale.

Sarkaalka saddexaad oo degan xaafadda Fuata Nyayo ayaa isagana ku karantiilay Isbitaalka Mbagathi oo ku yaala isla magaala madaxda Nairobi.

In ka badan 30 sarkaal boolis ayaa guud ahaan Kenya loo karantiilay Covid-19 dartiisa; wadarta dadka cudurka ee ku dhaqan waddankaas ayaa mareysa 4,374, bogsashadana waxay cagacageyneysaa 1,550

Ciidamadda Booliska ayaa kamid ah dadka aadka ugu nugul in ay qaadaan caabuqa sabab la xiriirta shaqadooda maalinlaha ah, wallow ay qaataan waxyaabaha looga gaashaanto fayruska.

Todobaadkii hore, qof looga shakisanaa la dilay ayaa la xaqiijiyey in uu qabay Covid-19, arrintaas waxay sababtay in la karantiilo tobban sarkaal boolis oo si toos ah ula tacaaleysay xaaladda shaqsigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM