Dagaalka Itoobiya oo sii fidaya, xoogagga Tigray oo qabsaday saddex garoon
ADDIS ABABA, Itoobiya (GO) — Dagaalka waqooyiga Itoobiya ayaa si weyn u sii fiday, iyadoo xoogagga Tigray ay la wareegeen garoomada Mekelle, Aksum iyo Shire, halka dagaallo kale laga soo sheegayo gobollada Amhara iyo Afar, taas oo halis gelinaysa heshiiskii nabadda Pretoria ee 2022.
Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii saddexda magaalo, halka duulimaadyada Lalibela ee gobolka Amhara sidoo kale la joojiyey markii dagaalku kusoo dhowaaday deegaanka. Ilaa hadda ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in xoogagga mucaaradku qabsadeen garoonka Lalibela.
Dowladda Federaalka iyo TPLF ayaa isku eedeynaya bilaabidda dagaalka cusub. Saraakiisha Tigray waxay sheegeen inay iska difaacayaan weerar federaal ah, halka Addis Ababa ay TPLF ku eedeysay inay weerarro ka billowday Tigray kuna fidisay Amhara iyo Afar.
Militariga Itoobiya ayaa sheegay inuu qaaday weerar rogaal-celin ah, isagoo sheegtay inuu dilay 272 dagaalyahan oo Tigray ah isla markaana dhaawacay 260 kale. Tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii toddobo kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan TPLF, Amhara Fano National Movement iyo Oromo Liberation Army, ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo kasoo horjeeda dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto qaar kamid ah kooxahaas. Eritrea ayaa hore u beenisay eedeymo la mid ah, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada cusub.
Midowga Afrika ayaa ka digay sii xumaanshaha xaaladda, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay dib ugu noqdaan heshiiskii Pretoria.
Dadka ku nool Mekelle iyo deegaanno kale ayaa bilaabay inay kaydsadaan raashin iyo lacag caddaan ah, halka qaar kalena ay ka qaxayaan goobaha dagaalka, sida ay werisay AP.
Qabsashada saddexda garoon, dagaalka kusii fidaya Amhara iyo Afar iyo soo bixitaanka isbahaysiga cusub ee kooxaha hubeysan ayaa Itoobiya geliyey mid kamid ah marxaladihii amni ee ugu halista badnaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii Tigray sanadkii 2022.
GAROWE ONLINE