GAROWE, Puntland- Waxaa maanta xarunta PDRC ee magaalada Garowe lagu qabtay shir looga hadlayay qorshaha hormarinta caasumadda Puntland iyo qaabka ay noqonayso mustaqbalka.

Shirkaan oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa waxaa kasoo soo qabanqabisay hay'adda UNHABITAT waxaana kasoo qaybgalay Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole, xubno kasocday golayaasha dowladda, maamulka dowladda hoose, Isimo, Nabadoono, waxgarad iyo siyaasiyiin.

Shirkaan ayaa waxaa lagu lafo gurayaa sidii loo samayn lahaa qorsha magaalaynta Caasumadda ee mustaqbalka iyo halka ay u fidi doonto (Town Plan).

Sidoo kale shirkana ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa muranka dhulka oo muddooyinkii dambe sare u kacay, waxaana khudbadahii laga jeediyay furitaanka kulankan lagaga dhawaajiyay in arrintan ay keentay xaalad amni darro.

Duqa Degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa sheegay in dowladda hoose ay diyaarisay qorshe dhulka magaaladu ku fidayso looga dhigayo mid ilaalinaya dhul daaqsimeedka islamarkaana xadaynaya halka ay ku fidayso Caasumaddu.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka hadlayay caqabada hortaagan koritaanka iyo hormarka caasumadda Puntland, ayaa sheegay inay tahay kharashkii loogu talo galay oo Barlamanka iyo xukuumadii hore Farole u jideeyeen ay ka jartay dowladda hadda jirta.

Garaase ayaa si arrimahaas xal loogu helo ku baaqay in shacabka u istaagaan sidii ay u dhisan lahaayeen magaalada isagoo maamulka hadda jooga ka codsaday in caasumadda laga daayo diban daabyada islamarkaana diiradda la saaro hormarka.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa dhankiisa ku baaqay in laga wada shaqeeyo hormarkana lana yareeyo mashaakilka ku salaysan dhulka si hadafka la hiigsanayo u hirgalo.

Senator Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo kulankaas joogay ayaa diiradda ku saaray khudbadii uu jeediyay sidii loo yarayn lahaa khilaafka dhulka oo uu sheegay in muddooyinkii dambe uu aad u badanayay. Farole ayaa xusay in dowladii hore mamnuucday in shacabku dhistaan Aaga dowladda.

Farole ayaa soo dhaweeyay mashaariicda hormarineed ee ka socda magaalada isagoo ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda hoose inay hadalka ku daraan ficilka.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe sare u kacay dhul boobka la xariira dhulka gaarka loo leeyahay iyo midka shacabka taasoo inta badan dhalisa arrimo amni darro oo qaybtood dad lagu laayay.

GAROWEONLINE