Jabuuti oo fahfaahisay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay martigelineyso shir-madaxeedka madaxweyneyaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa qorshuhu yahay in ay maalinta oo Axad ah ay isku arkaan caasimadda Jabuuti, wallow aan lasoo bandhigin ajendaha wadahadalkooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu caddeeyay in shirkaas uu qayb ka yahay dedaaladda dib u bilaabadda wada-xaajoodyadda Muqdisho iyo Hargeysa.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa soo qaban-qaabiyey shirka, waxaana korjoogto ka ah Mareykanka, EU-da iyo Midowga Afrika.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in uu isaga shir gudooomin doono wadahadalka Farmaajo iyo Biixi isla markaana uu daba socdo shirkii ay ku yeesheen xafiiska Abiy, bishii Febraayo.

Shirka Jabuuti ayaa kusoo hagaagaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay isla markaana aysan kala caddeyn nooca doorasho ee waddanka uu galayo horaanta sanadkan 2020-2021.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in wadahalada Somaliland uu ku qarinayo "fashilka dowladiisa kuna galayo ololaha doorashada".

Wadahadalada dowladda iyo Somaliland ayaa hakad ku jira ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana madaxweyne Farmaajo lagu dhaliilay in ay ku guuldareystay in uu waqti hore dib u bilaabo.

WAR-SAXAAFADEEDKA JABUUTI

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 07:21AM

Mucaaradka oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 05:32AM