Farmaajo oo ayiday kalsoonida kala noqoshada xukuumadda Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa taageeray go'aankii Golaha Shacabka uu kalsoonida ugala noqdey xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre, sidda ay war-saxaafadeed ku shaacisay Madaxtooyadda Qaranka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra'iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre," ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa la raaciyey: "Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay'addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go'aanka Golaha Shacabka".

"Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna," ayaa la raaciyey.

Qoraalka ayaa lagu xusay: "Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Sidda uu sheegay afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, xukuumadda Khayre waxaa kalsoonida kala noqdey 170 mudane, waxaa diidey 8, mana jiro sharci-dejiye ka aamusay coddeynta buuqa uu hareeyay.

Tani ayaa la macno ah in qorsha eryida xukuumadda Khayre ay isku kaashadeen muxaafadka iyo mucaaradka isla markaana ra'iisul wasaaraha cusub uu ka imaan doono dhanka mucaaradka gaar ahaan kuwa ugu tunka weyn.

Mursal ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay kulamo la qaadanayey hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran, iyadoo qodobka ugu weyn ee uu kala hadlayey uu ahaa in ay mudo kororsi ku bedeshaan in ay soo dhisaan xukuumad cusub.

MUUQAALKA MURSAL

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Dood adag ayaa laga dareemay fadhiyadii ugu dambeeyay ee golaha oo baaqday dhowr jeer, iyadoo mararka qaar xildhibaanno isweydaarsadeen eedeymo.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 11:10AM

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM