​Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Masar

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka oo Axad ah u dhoofay magaalada Qaahira, ee xarunta dalka Masar.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan, ayaa ku sagootiyay Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ee magaalada Muqdishu, kahor inta uusan u ambabixin Masar.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa yimid, kadib markii uu Casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al Siisi, waxaana la filayaa in labada hogaamiye ay ku kulmaan magaalada Qaahira.

Waxyaabaha ay Kulankooda uga wadahadli doonaan Labada hogaamiye, ayaa waxaa  kamid ah arrimo badan oo ku qotoma xiriirka labada dal, iyo Khilaafka ka taagan Khiliijka Carabta, oo Somalia mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatey.

Masar waxay kamid tahay dalalkii Xiriirka u jaray Qadar 5-tii bishii June, iyagoo ku eedeeyay Xukuumada Doha inay tageerto Kooxaha Argagaxisada Caalamka, inkastoo arintaasi ay beenisay dowladda Qadar.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa Sacuudiga iyo Imaaraadka oo usoo jeediyay inay xiriirka u jarto Qadar, waxaana la sheegay inay arintaasi la xiriirka Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM