Murashaxiinta oo go'aano kale kasoo saaraya doorashooyinka soo aadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Murashaxiinta madaxweyne ee doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020-21 ayaa qorsheynaya in ay go'aano kale soo saaraan, sidda ay qaarkood si rasmi ah ugu sheegeen warsidaha Garowe Online.

Go'aanadaas ku saleysnaan doona mar-xalada uu dalka ku sugan yahay waqti xaadirkan ayaa kasoo bixi doono kadib kulamo ay ku yeeshaan caasimadda Muqdisho oo maalmaha soo aadan ay soo gaari doonan.

Lagama sii horudhici karo qodobada uu ka koobnaan doono war-saxaafadeedka wadajir ah ee la filayo in ay kasoo saaraan wada-xaajooyadooda.

Mawduuca ugu weyn haatan siyaasadda waddanka waa is-qabqabsiga ka taagan guddiyadda doorashada madaxtiniamda iyo baarlamaanka si lamid ah khilaaf xalinta.

U tartameyaasha xilka ugu sareeya dalka ayaa tibaaxay in Villa Soomaaliya ay guddiyadda ku dartay saraakiil ka tirsan Hay'adda Sirdoonka, Shaqaale dowladeed iyo Jamaahiirta madaxweynaha waqtiga ka dhacayo.

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed oo xaqiijiyey in xubnaha qaar ee guddiyadda ay ka tirsan Madaxtooyadda, ayaa dafiray in ay ku daraan saraakiil nabad-sugid ah iyo taageereyaasha madaxweynaha.

Murashaxiinta oo ka dhawaajiyey in talaabadan ay wiiqeyso kalsoonida lagu qabi karo guddiyadda ayaa caddeeyay "in aysan aqbali doonin doorasho loo qaabeeyay boob iyo ku shubasho, iyagoo codsaday dib-u-habeyn".

Mukhtaar Xuseen Afrax, wasiirka arrimaha gudaha oo dab kusii shiday is-qabqabsiga guddiyadda, ayaa meesha ka saarey in ay u hogaan-sami doonan dalabka murashaxiinta ee ah dib-u-qaabeyn lagu sameeyo giddiyadda.

Mayal-adeega ay muujineyso dowladda waqtiga kasii dhaceyso iyo mudada ka hartay coddeynta loo balansan yahay bisha Febraayo, 2021 oo yar ayaa murashaxiinta waxay ku riixeysaa in ay xoojiyaan ololahooda xal raadinta.

Hadii murashaxiinta iyo dowladda xal gaari waayaan, waxaa laga cabsi qabaa in ay soo farageliso Beesha Caalamka, wallow ay jiraan warar sheegaya in dedaalo daaha gedaashiisa ka socdaan, haddana ma jiro bayaan ay soo saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM