Qadar oo ku lug-yeelatay wada hadalada DF iyo mucaaradka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qadar ayaa ku lug-yeelatay wada hadalka dowladda federaalka iyo mucaaradka markii xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay meel sarre gaartay, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Xukuumadda Dooxa ayaa ergay gaar ah waxay u soo dirtay wada hadaladda, kaasoo la fariistay hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidda loo dusiyey GO, ergayga ayaa la socday diyaaradii ka degtay magaaladda Muqdisho ee sidday gargaarka ka yimid Qadar, kaasoo loogu talogalay dadka wax ku noqdey fatahaadaha ku dhuftay Beledwayne.

Ergayga ayaa Madasha Xisbiyadda Qaran wuxuu kala hadlay hoos u dhigista xiisadda siyaasadeed iyo khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

Taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa wuxuu qayb ka ahaa wada hadaladda si uu xoojiyo dedaaladda uu wado ergayga.

Mr Daahir ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay Shariif Sheekh Axmed, hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 7aad ee dalka dhaca Geeska Afrika.

Wada hadaladda ayaa yimid markii Shariif uu ku dhaartay in ay Muqdisho ka saaraan dowladda hadii aysan joojin "dulmiga" taas oo timid markii dhibaato ay kala kulmeen tagitaanka Beledwayne iyo ka duulista Muqdisho.

Dowladda Farmaajo ayaa xiriir dhowr la leh Qadar, halka labadii hogaamiye ee xafiiska kaga horeysay ay "cilaaqaad dabacsan" la lahaayeen Dooxa mudadii ay taladda dalka hayeen.

Dowladda Carbeed ee Qadar oo in muddo ah raadineysay in ay saameyn ku yeelato siyaasadda Soomaaliya ayaa isku deyda in ay siyaasiyiinta ka taageerto in ay qabtaan xilalka ugu sareeya xilligga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM