Sarkaal boolis oo lagu khaarijiyey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Jaabiri ayaa lagu waramay in uu ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online ayaa in weerarka uu ka dhacay degmada Xamar-wayne gaar ahaan agagaarka Hotel Muna ama dhabarka dambe ee Barxada Iskaashatooyinka.

"Jugta qaraxa oo laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha degmadda wuxuu ka dhacay wadada horumarta Guriga Hooyooyinka. Ciidamo meesha yimid ayaa daqiiqado hakad geliyey isu socodka," ayay raaciyeen.

Fahfaahinta oo ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ayaa waxay intaas ku dareysaa in dadka dhintay uu ku jiro askari kamid ahaa ilaalada sarkaalka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay masuuliyadda falkaas, balse xoogaga Al-Shabaab ayaa aalaaba weeraro noocaan ah ka fuliya qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku fashilmay isku day ku doonayeen in ay ku khaarijiyeen Cali Gaab, taliyaha hogaanka caafimaadka ee Booliska Soomaaliya.

Cali Gaab ayaa wuxuu shirqooladaas loo maleegay ku waayey qaar kamid ah ilaaladiisa. Sidoo kale, waxaa dhacdooyinkaas ku geeriyooday dad shacab ahaa oo wadada marayey xilliga ay qaraxyaddu dhacayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM