Shirka u furmay madaxda Soomaalida xilli ay xasarado jiraan

Image
Image
Image
Qalalaasahan saddex geesoodka ah ayaa lagu wadaa in ay si weyn u hareeyaan mudada uu socdo is-aragan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Muqdisho.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay: "Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar".

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli mowjado siyaasadeed ay jiraan. Xiisadahan ayaa ka oogan Koonfur Galbeed, Puntland iyo gobolka Gedo. Qalalaasahan saddex geesoodka ah ayaa lagu wadaa in ay si weyn u hareeyaan mudada uu socdo is-aragan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM