Tirada dhimashada Qaraxii Zoobe oo korartay & dad la la'yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii bishan October.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Cabdiraxmaan Yariisow oo goobta qaraxa uu ka dhacay kula hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in tirada ay gaarey 358 qof, halka 228 kale ay ku dhaawacmeen.

Wadarta guud ee dhibaatada ay soo gaaray waxay dhan yihiin 642 ruux kuwaasi oo 358 kamid ah ay dhinteen, 228 ay dhaawacmeen, halka 56 kalena la la'yahay wali, loona maleynayo inay geeriyoodeen. 

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in 122 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo qaadey dalalka Turkiga, Kenya iyo Suudaan, maadaama dhaawacyadooda aan wax looga qaban karin dalka gudahiisa.

Warsidaha Garowe Online, ayaa ogaaday in dadkii ay Qadar u qaadey Suudaan aysan helin wax daryeel caafimaad, kadib markii lagu daadiyay Isbitaallo aan laheyn adeegyo caafimaad oo wanaagsan.

Midka kamid ah dhaawacyada la geeyay Suudaan oo lagu qiyaasay 82, ayaa ku dhintey Garoonka magaalada Khartoum, halka kuwa kalena ay xaaladda daryeel la'aan ku haysato xaruumaha la geeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM