Tirrada kiisaska iyo geerida Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in 20 kiis oo cusub ay kusoo kordheen xaaladaha xanuunkaas ee laga soo wariyey Muqdisho.

War-saxaafadeedkan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa intaas ku daray in saddex qof oo kale ay u dhinteen fayruskaas dilaaga ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in tiradda guud ee kiisaska ay gaartay 80; intaas waxaa wehlisa in dhimashada ay tahay shan.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhan

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

> Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

> Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
> Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80

Kiisaska cusub maanta: 20

Tirada Bogsootay: 2

Tirada Dhimashada: 5


Xukuumadda ayaa bandow habeenkii ah kusoo rogtay caasimada dalka Muqdisho, kaas oo qeyb ahaan dhaqan-galay, iyaddoo aan ciidamo lagu arkin dhamaan waddooyinka waaweyn ee magaala madaxda.

MUUQAALKA WASIIR FOOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM