Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo dilay saddex askari Kenyaan ah

Image
Sarkaal ciidan ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay sidoo kale ku dhaawacmeen ugu yaraan shan askari kale.

NAIROBI, Kenya - Hal dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xero ciidan oo ku taalla Soomaaliya, waxaana ay dileen ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Kenya Isniintii lasoo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in dableyga uu uu rasaasta u furay si aan kala sooc lahayn, isagoo dhaawacay shan askari oo kale ka hor inta aan la toogan.

"Waxaan aaminsanahay in dableyga uu tijaabo u ahaa dhacdooyin kale oo soo socda. Waa inaan taxadar badan muujinaa oo feejigannaa,” ayuu sarkaalkan ka tirsan ciidamada Kenya oo aan magaciisa la sheegin ku yiri AP.

Warbaahinta ay ku hadasha afka maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa xaqijisay weerarkan waxaana ay shaaca ka dhigeen in ay qofka fuliyey weerarkaas uu kamid ahaa maleyshiyaadkooda.

Weerarka ayaa subaxnimadii Isniinta waxa uu ka dhacay saldhigga ciidanka ku leeyihiin degaanka Sarira oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya una dhow xuduudka Kenya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sidoo kale waxay ugu baaqayaan dadweynaha in laga digtoonaado goobaha dadka ku badan yihiin ka dib markii uu bilowday ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Qatar.

Sannadkii 2010-kii, ugu yaraan 76 qof ayaa la dilay, kaddib markii ay Al-shabaab weerartey naadi dheesha Rugby-ga iyo maqaayad ku taalla caasimadda Uganda ee Kampala, halkaasoo lagu daawanayay kama-dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM