Madaxda ONLF oo ka degay Addis Ababa [Maxay la kulmeen?]

Image
Image

ADDIS ABABA - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Afhayeenka Jabhadda hubeysan ONLF, Cabdullaahi Xasan Hirmooge [Cadaani] ayaa gaarey magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ujeedka socdaalka Wafdiga ma cadda, laakiin waxaa la sheegayaa inay salka ku hayso wadahadalo la filayo inay la yeeshaan mas'uuliyiin dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, oo uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Qodobadda ay kawada hadli doonan waxaa ugu waa wayn sida la sheegayo soo gaba gabeynta dagaalka daba dheeraaday oo ay Jabhada kula jirtay dowladda Federaalka iyo xal u helida xaaladda DDSI.

Fahfaahinta laga helayo safarka ayaa intaas ku dareysa inay horudhac u yihiin wafdi kale oo saraakiisha ugu sareysa ONLF ah, kuwaasoo lagu wado inay soo gaaraan magaaladda Addis Ababa, maalmaha soo socda.

Booqashadda Afhayeenka ONLF waxay kusoo beegmaysaa iyadda oo maalinimadii Axadda ahayd ay ku dhawaaqday inay xabad joojin hal dhinac ah ah oo ay la galayso dowladda Itoobiya.

Dowlada Federaalka ah ee Itoobiya wali kama aysan jawaabin xabad joojinta uu ku dhawaaqay shalay Ururka ONLF, balse waxay tani muujineysaa in Xukuumadda Abiy ay qaadey tallaabo kale oo dhanka nabad ah.

Xoghayaha guud ee ONLF, kaasoo fahfaahin dheeri ah ka bixinayay xabad-joojinta ay ku dhawaaqeen wuxuu meesha ka saarey inay ku doonayaa inay gor-gortan iyo saameyn ay ku yeeshaan isbedalada ka dhacay dhulka Soomaali Gabeed.

ONLF ayaa dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya tan iyo 1994-tii, waxaana ay ka geysatay gudaha Itoobiya weeraro dhimasho iyo dhaawac sababay, dad badana barakiciyay, taasoo sababtay in loo aqoonsado Urur argagixiso, wallow dhowaan laga saarey.

Talaabooyinkaan ayaa kusoo beegmaya xilli isbedalo waa wayn oo ka socdo dhulka dowla degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo waliba dowladda Federaalka kaasoo masuuliyiintii xilalka ugu sareysay haysa xilalka laga qaaday, kuwa cusub loo magacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM