DJABUUTI, Jabuuti - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta la yeeshay kulan doceed qeyb ka ah shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee Jabuuti.

Labada hogaamiye waxay is-aragooda diiradda ku saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee xiriirka diblumaasiyadeed ee meeshii ugu hooseeyay gaarey.

Hogaamiyeyaasha Jabuuti iyo Itoobiya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed Cali, ayaa goobjoog ka ahaa fadhiga kuwaasoo u muuqday in ay u kala dab-qaadayaan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

"Adkeynta xasiloonida gobolkeena [Geeska Afrika] waxaa bud-dhig u ah horu-socodka iyo horumarka. Waxaan ku faraxsanahay in hogaamiyeyaasha ay miiska wadahadalka isugu yimaadeen si aan uga wadaxaajoono arrimo khuseeya gobolkeena," ayuu Twitter-ka kusoo qoray Abiy Axmed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo xiriirka u jartay Kenya horaantii bishaan December ayaa ku eedeysay "xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameysay madax-banaanida waddanka".

Garowe Online ayaa fahansan in go'aanka uu Farmaajo cilaaqaadka ugu gooyey Kenya uu salka ku hayo dalab ka yimid Abiy oo doonaya in ajendaha ugu weyn ee shirka IGAD uusan noqon colaada Tigray.

Farmaajo ayaa dhankiisa wuxuu damacsan yahay in uu ololaha doorashooyinka sanadka 2020-21 ku galo xiisadda maamulkiisu abuuray ee kala dhaxeysa Nairobi si ay gacantooda ugu sii jirto gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE