NAIROBI, Kenya - Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa ku geeriyooday magaaladda caasimadda ah ee Kenya, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Saxaafadda ayaa soo xigatay Aadan Barre Ducaale kaas oo daaha ka rogay in Xaaji oo sidoo kale ahaa Senator laga soo doorto Gaarisa uu xanuunsanaa shantii sano ee lasoo dhaafay.

Mr Ducaale ayaa sheegay in uu si tiiraanyo leh tacsi ugu diray qoyska Xaaji oo kahor inta uusan geeriyoon xubin ka ahaa guddiga loo saarey isbedelka lagu sameynayo dastuurka Kenya.

Xaaji waa aabaha dhalay Nuuradiin Xaaji, dacwad-oogaha guud ee Kenya kaas oo magaciisa uu sarre ugu kacay markii uu musuqmaasuq u maxkamadeeyay siyaasiyiin xilal sarrey haya.

Wallow ay jiraan warar is-khilaafsan oo aan la xaqiijin karin, ma uusan soo badhigin nooca xanuunka u dhintay Xaaji mana jiro war rasmi ah oo qoyskiisa uu illaa hataan kasoo saarey geeridiisa.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilka wasiirka difaaca hayey mudadii u dhaxeysay 2008 illaa 2013-kii ayaa si kooban wuxuu sanadkii 2012-kii u noqdey Wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Kenya.

Xilli uu kamid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer wakiilada Soomaalida ku meleta miiska go'aanka lagu gaaro ee dalkaas, Aqalka Sarre ee baarlamaanka Kenya ayuu kamid ahaa tan iyo 2013-kii.

Iyadda oo uu ku dhintay da'da 80-sano jir, Mr Xaaji ayaa bishii Decemebr, 23-keeda sanadka markii uu ahaa 1940-kii wuxuu ku dhashay ismaamulka Gaarisa ee dhaca waqooyi barri waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE